Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Koonfur Galbeed oo maanta Baydhabo ku qabatay shir looga hadlayey Abaaraha.

Date:

Wasaarada Arimaha Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta qabatay shirka isku dabaridka arimaha gargaarka oo looga hadlayay xaalada guud ee biniaadinimo iyo abaaraha ka jira deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Shirka oo ay kasoo qayb galeen hay’daha ka howl-gala Koonfur Galbeed ayaa waxaa hay’adahan kaga war bixiyeen waxqabadkooda iyo caqabadaha jira ee ku aadan ka jawaabida abaaraha saameeyay dadka ku dhaqan deegaanada Koonfur Galbeed.

Wasaarada iyo hay’adaha kasoo qeyb galay waxay diirada saareen sidii loo dardar gelin lahaa gurmadka abaaraha ee socda.

Wasaarada waxay u mahad celinaysaa dhamaan hay’adihii kasoo qeyb galay shirka bilaha ah oo ay wasaaradu qabato si ay isugu dabarido howlaha gargaarka ee ka socda deegaanda Koo fur Galbeed.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Danjiraha Soomaaliya ee Talyaaniga oo bogaadiyay guusha kooxda jaaliyadda Soomaaliyeed ee Roma

Danjiraha Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Talyaaniga, Ibraahim Cumar...

Wasiir Fiqi oo qaabilay danjiraha Midowga Yurub

Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta...

Gudoomiyaha hay’adda SoDMA oo Baydhabo gaaray

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka...

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo qaabilay danjiraha UK

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane...