Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha diinta XFS oo sheegtay in 309 shirkadood oo sanadkaan 1443 Hijriya soo codsatay adeegyada xajka ay kasoo gudbeen 63 shirkadood oo buuxiyay shuruudihii looga bahnaa.

Date:

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha diinta XFS Cumar Cali rooble oo shir-jiraaid ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay in 309 shirkadood oo sanadkaan 1443 Hijriya soo codsatay adeegyada xajka ay kasoo gudbeen 63 shirkadood  oo buuxiyay  shuruudihii ay soo saareen  guddiga ay wasaaraddu u saartay tartansiinta shirkadaha daabulaya Xoojeyda Soomaliyed.

 

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha diinta XFS Cumar Cali Rooble ayaa tilmaamay in markii hore ay xujeydu la kulmi jirtay dayacaad dhanka adeegga ah taas oo uu sheegay in ay wax badan ka qabteen.

 

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay iney kula xisaabtami doonaan shirkadaha aan si wanaagsan ugu adeegin xujeyda Soomaaliyeed oo daruufo badan kala kulmi jiray shirkadaha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...