Maxkamada Racfaanka Magaalada Hargaysa oo maanta Xukuno kala duwan ku riday Wariyaal ka howlgalayey Deegaanada Soomaaliland .

Date:

Wariye Cabdimaalik muuse coldoon oo Muddo xirnaa ayaa maanta  Maxkamadda Racfaanka ee Magalaada Hargeysa ku xukuntay laba sano oo xarig ah iyo saddex milyan oo shilinka Somaliland oo ganaax ah.

Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ayaa hore wax dambi ugu wayday Wariye,Samafale Coldoon balse ugu dambeyn maanta ayeey xukuntay Maxkamadda Racfaanka Hargaysa.

Cabdimaalik Coldoon ayaa dhowr mar waxaa xusid mudan in maxkamadaha Somaliland xukumeen.

Dhinaca kale Maxkamadda Gobalka Maroodi-jeex ayaa maanta Min hal sanno iyo 4 bilood ku xukuntay wariyeyaasha kala ah Mohamed Ilig oo ka howlgalayey TVGA (MMTV)  iyo Cabdijibaar Maxamed oo isna  ka howlgalayey  TVGA (HCTV).

halka ay xorriyadiisii u soo celisay Maxkamada Wariye Cabdiraxmaan Khaliif.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war kasoo saartay duqaymo laga fuliyay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeybgalay shirweynaha wax ka qabashada cudurada aan faafin

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda Aricadeeye

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda...