SAWIRRO:Safiirka waddanka Germany ee Itoobiya, wakiilka hay’adda UNHCR ee Itoobiya oo maanta gaaray Magaalada Jigjiga .

Date:

Madaxweynaha Dowladd deegaanka Gobolka Soomaalida Itoobiya , mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa xarunta madaxtooyada kulan kula qaatay maanta  masuuliyiin ay hoggaaminayaan safiirka waddanka Germany ee Itoobiya, Stephen Auer iyo wakiilka hay’adda UNHCR ee Itoobiya, Dr. Mamadou Dian Balde.

 

Kulankan ayaa lagaga wada-xoojooday xaaladda guud ee Deegaanka, gaar ahaan marxaladihii adkaa ee ay ka soo gudbeen shacabku, kuwa hadda taagan ee ubaahan in la xakameeyo iyo qaabka loo xoojin karo iskaashiga guud ee hay’adaha deeq-bixiyayaasha.

 

Madaxweyne Mustafe ayaa xusay in maaddaama barakacayaal badan ay ku nool yihiin Deegaanka Soomaalida ay muhiim tahay in nolol deggan loo sameeyo, taasina ay kala kaashanayaan hay’adaha Qarammada Midoobay iyo waddammada caalamka.

 

Masuuliyiinta ayaa maanta booqan doona barakacayaasha Qolloji si ay usoo darsaan xaaladdooda, wafdigani ayaana hordhac u ah safiirro iyo masuuliyiin maalinta bari ah ku soo wajahan Jig-jiga; kuwaasi oo ujeeddada imaatinkoodu ku qotomo kaliya barakacayaasha iyo dib-u-dejintooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...