MADAXTOOYADA OO KEYD QARAN U DIIWAAN-GELISAY XOGTA WARBAAHINEED EE VILLA SOOMAALIYA.

Date:

Muqidsho, May 23, 2022; Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay iclaaminaysaa in xogta warbaahineed ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud lagala socon doono, maanta laga bilaabo, bogagga rasmiga ah ee Villa Soomaaliya ee mareegta internetka iyo Baraha Bulshada.

Sidoo kale, waxaa Keyd Qaran noqday xogta ku jirta Baraha rasmiga ah ee Madaxtooyada oo ilaa haatan lagu keydiyey xogta-warbaahineed ee Madaxtooyada tan iyo bishii May ee sanadkii 2011-kii, taas oo dhaxal u ah jiilasha Soomaaliyeed, muraayadna u ah taariikhda iyo dowladnimada dalkeenna.

Agaasinka, Madaxda iyo hawlwadeennada Madaxtooyada waxa ay soo dhaweeyaan Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta xilka la wareegay, waxa ayna muujinayaan sida ay uga goโ€™an tahay gudashada waajibaadkooda qaran ee ku aaddan dhismaha dowladnimada iyo difaaca danaha shacabka Soomaaliyeed

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...