DHAGEYSO:Madaxweyne ku xigeenka jubbland oo sheegay in qorshe u hayaan dib u heshiisiinta bulshada iyo siyaasiyiinta gobolka Gedo oo muddo qilaaf uu ka taagnaa iyaga maamulka Jubbaland.

Date:

Madaxweyne kuxigeenka 1aad ee maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid aadan oo wareeysi siiyay Radio Muqdisho ayaa sheegay in qorshe u hayaan dib u heshiisiinta bulshada iyo siyaasiyiinta gobolka Gedo oo muddo qilaaf uu ka taagnaa iyaga maamulka Jubbaland.

 

 

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland  ayaa sheegay in dhawaan gaari donaan gobolka Gedo si arintaan dib u Heshiishiinta loo dardargaliyo ,waxaana uu Tilmaamay in arintaan xalinta qilaafka Gedo la kaashan donaan madaxweynaha cusub ee dalka Hassan sheikh Maxamuud.

 

Hadalka madaxweyne ku xigeenka ayaa yimid iyadoo maalin ka hor uu Madaxweynaha Jubbaland tilmaamay in la fasaxay adeegyadii hormarinta ee gobolka ka xayirnaa sanadahii lasoo dhaafay ee heer Federaal iyo heer Jubaland isagoo intaas ku daray in dhismaha golayaasha deegaanka laga bilaabi doono Degmada Garbahareey ee Xarunta gobolka Gedo isla markana aanay jirin maamul cusub oo gobolkaas loo magacaabayo dadka deegaankuna ay soo dooran doonan dadka matalaya.

Codka Madaxweyne ku xigeenka  halkaan ka dhageyso.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...