Guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Abdi Hashi Abdullahi oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Date:

Guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Abdi Hashi Abdullahi wuxuu maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Saalax Almuwallad oo Guddoomiyaha ugu yimid salaan sharafeed iyo hambalyo ku aaddan dib u doorashadiisa, iyo sida hufnaanta laheyd ee ay u qabsoontay doorashadii Guddoonka Aqalka Sare iyo tii Madaxwaynaha Jamhuuriyadda.

Waxaa kale ooy ka wada hadleen sidii ay iskaga kaashan lahaayeen kor u qaadidda xiriirka Labada Dal Soomaaliya iyo Sacuudiga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...