SAWIRRO:Guddoomiyaha cusub ee loo magacaabay gobolka Galgaduud oo maanta gaaray Dhuusamareeb.

Date:

Cilmi-Salaad Cali Cabdi Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Galgaduud oo magacaabistiisii kadib maanta Dhuusamareeb soo gaaray ayay dadwayne farabadan iyo Mas’uuliyiin kusoo dhaweeyeen garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur.

Duqa Dhuusamareeb Macalin Cabdiraxmaan Geedaqoroow, kuxigeenka amniga iyo Siyaasada Cabdi Xaashi Caroole, Saraakiisha Ciidamada kala duwan iyo agaasimayaal ayaa Gudoomiyaha Gobolka u muujiyey in laga sugayo isbadal maamul iyo shaqo balaaran oo laga qabto gobolka, gaar ahaan iskuxirka maamulada degmooyinka gobolka ee mudaba ahaa kuwo aan hoos imaan Gudoomiye gobol iyo qorsheynta howlaha gobolka ka socda ee aan looga maarmin in laga jaheeyo xafiiska guud ee gudoonka Gobolka.

Gudoomiyaha Dhuusamareeb Macalin Cabdiraxmaan Geedaqoroow oo ku hadlayay afka gudoomiyaasha Degmooyinka gobolka Galgaduud ayaa soo dhaweyn kadib sheegay in safarka gudoomiyaha gobolku kusoo beegmay xili guul laga gaarey ka hortagida rabshadihii hubeysnaa ee lagu carqaladeynayay amniga Caasimada iyo deegaanada ku xeeran.

Ugu dambeyn Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Galgaduud Cilmi-Salaad Cali Cabdi ayaa u mahad celiyay dadka soo dhaweeyay.

Gobolka Galgaduud oo gudoomiye la’aan ahaa wax ka badan 3-dii sano ee lasoo dhaafey ayaa iminka yeelanaya maamul gobol oo ay si toos ah uga amar qaadan doonaan maamulada degmooyinka kaasi oo uu dhawaan magacaabey Madaxwaynaha Galmudug Axmed cabdi Kaariye.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...