Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo gaaray magaalada Abu Dhabi.

Date:

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa gaaray magaalada Abu Dhabi ee caasimadda Isutagga Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu uga qeyb galayo tacsida madaxweynihii geeriyooday ee dalka Imaaraaadka Carabta Sheikh Khalifa Bin Zayid.

Sidoo kale waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu madaxweynaha cusub ee dalka Imaaraadka Carabta Sheikh Maxamed Bin Zayid Al Nahyaan gaarsiinayaa dhambaal hambalyo iyo salaan ah oo uu uga sido madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheikh Maxamuud.

Ra’iisul Wasaaraha waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Abu Dhabi ku soo dhaweeyay wasiirka caddaaladda ee dalka Imaaraadka Carabta Mudane Cabdalla Alnuceymi.

Ra’iisul Wasaaraha waxaa booqashadii Imaaraadka ku wehliya Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur, Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheikh Alcadaala iyo mas’uuliyiin kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo Qaahira uga qeyb-galaya Shirka 55-aad ee Wasiirrada Warfaafinta Carabta.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

War-murtiyeed laga soo soo-sooray Shirweynaha Labaad ee Hay’adda Aqoonsiga Qaranka.

War-murtiyeed ayaa laga soo saaray Shirweynaha Labaad ee Hay’adda...

Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka daahfurtay Ololaha 16-ka maalmood ah ee la dagaallanka tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka, Amb. Khadiija Maxamed...

Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintii labaad

Waxaa maalintii labaad ka socda magaalada Muqdisho shirweynaha 3-aad...