Ra’iisul Wasaaraha XFS oo maanta u ambabaxay dalka imaaradka carabta.

Date:

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta, si uu uga qeyb galo tacsida Allaha u naxariistee madaxweynihii geeriyooday Imaaraadka Sheikh Khaliifa Bin Zayid AlNahyaan, isagoo sidoo kale madaxweynaha cusub ee dalkaas Sheikh Maxamed Bin Zayid u gudbin doona hambalyo iyo salaan uu uga wado madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheikh Maxamuud.

Dhanka kale Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu wareejisay Dowladda Imaaraadka Carabta lacag dhan 9.6 Milyan oo Doollar oo horay looga xayiray.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa bishii January ee sanadkan amray in la fasaxo lacagtan oo lagala hakiyay dowladda Imaaraadka sanadkii 2018.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta XFS “Aqoonsiga Israel ee Somaliland waa xadgudub,waxaana u wajahaynaa si dublamaasi ah

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo la kulmay Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdullahi...

WARSAXAAFADEED: Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista Dastuurka (GMDHD)

Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka (GMDHD),...

Ciidamada amniga oo Khaarijiyay horjooge ka tirsan Khawaarijta

Taliska La-dagaalanka Argagixisada ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo ka...