Taliyaha Ciidanaka booliska maamulka Puntland oo maanta gudoomiyey shir Amniga gobolka Nugaal looga hadlayey.

Date:

Taliyaha Ciidanaka booliska maamulka Puntland S/Guuto Maxamed Cali Xaashi oo maanta gudoomiyay shir looga hadlayay xaaladda amni ee gobolka Nugaal.

Shirka waxaa ka qayb galay Gudoomiyaha gobolka Nuugaal,Taliye ku xigeenka Qaybta gobolka,Taliyaha ciidanka birmadka,taliyaasha Saldhigyada Garowe iyo saraakiisha booliska Gobolka Nugaal.

Shirka Waxaa Looga Hadlay Amniga Guud Ee Gobolka Iyo sidii loo xoojinlahaa howlgalada amni ee socda iyadoo diirada lagu saaray xogwaranka amniga guud ee caasimadda Puntland.

Taliyaha Ciidanka booliska DPL S/guuto Maxamed Cali Xaashi ayaa saraakiisha mid mid uga dhagaystay shaqooyinka amni ee la qabtay iyo xaaladaha dhacay maalmihii lasoo dhaafay.

Taliyaha ayaa saraakiisha uga mahadceliyay doorka amni ay qaateen iyo shaqooyinka baaxada leh ay ka qabteen guud ahaan gobolka Nugaal isagoo ku booriyay in ay halkaas ka sii wadaan si guul lataaban karo looga gaaro cidkasta oo lid ku ah amniga.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa Singapore. 

Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...

18 Khawaarij ah oo lagu dilay howlgal qorshaysan oo laga fuliyay Saakow.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka, gaar...

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...