Boqortooyada Sacuudiga oo dib u furtay safaaradeedii Soomaaliya

Date:

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqday in Jimcihii maanta dib loo furay Safaaradda Boqortooyada Sacuudiga ee Soomaaliya.

Wasaaraddu waxay sheegtay in ay ka mahadcelineyso dadaalka dowladda Soomaaliya ee fududeynta dib u furista safaaradda Boqortooyada Sacuudiga ee Muqdisho ‘taas oo xaqiijinaysa xiriirka qotada dheer ee labada dal.’

Sidoo kale Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, waxay sheegtay inay rajaynayso inuu sii xoogeysto iskaashiga Sucuudiga iyo Soomaaliya, si labada dal iyo dadkoodu ay u gaaraan kobac iyo barwaaqo badan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...