Shirkaย  dib-u-eegistaย  Mashruuca Biyoole oo ka furmay Garoowe โ€œSAWIRROโ€

Date:

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Cabdulqaadir Maxamed Aadan ayaa maanta magaalada Garowe ka furay shirkaย  dib-u-eegistaย  Mashruuca Biyoole, kaasoo intii sanad iyo bar ah ka socday Maamul Goboleedyada Puntland, Galmudug iyo Koofur Galbeed, ayadoo wejigiisa labaad lagu soo dari doono Maamullada Jubbaland iyo Hirshabeelle.

Mashruucan oo looga golleeyahay horumarinta biyaha, adkaynta hayโ€™adaha Dowladda iyo ujeeddooyin kale oo lagu kaabayo adeegga beeraha ayaa lagu wadaa in uu soo dhammaado Janaayo, 2023.ย  Shirka maanta ka furmay magaalada Garoowe ayaa diiradda lagu saari doonaa wixii mashruuca ka qabsoomay iyo dar-dargelinta hawlaha dhimman.

Mashruucan ayaa qayb ka ah fulinta ahmiyadaha ku cad โ€œHannaanka ka-kabsashada iyo u adkaysiga abaaraha (RRF)โ€ kaas oo ay Dowladdu dejisay sanadkii 2018.

Waxaa asna kalmado soo dhawen ah goobta ka jeediyey Wasiirka Wasaaraddaย  Qorsheynta Puntland, Cabdikhafar Xaange, oo bogaadiyey habsami u socda mashruuca iyo guulaha laga gaaray, sida dhismaha biyo qabatinno dhowr ah, dhismaha xarumo Wasaaradeed iyo isku xirka Hayโ€™adaha Dowladda labada heer.

Kulankaan oo socon doona 4 cisho ayaa laga soo saari doonaa warmurtiyeed ku qotonta qodobada ka soo baxay shirka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale