Shirka  dib-u-eegista  Mashruuca Biyoole oo ka furmay Garoowe “SAWIRRO”

Date:

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Cabdulqaadir Maxamed Aadan ayaa maanta magaalada Garowe ka furay shirka  dib-u-eegista  Mashruuca Biyoole, kaasoo intii sanad iyo bar ah ka socday Maamul Goboleedyada Puntland, Galmudug iyo Koofur Galbeed, ayadoo wejigiisa labaad lagu soo dari doono Maamullada Jubbaland iyo Hirshabeelle.

Mashruucan oo looga golleeyahay horumarinta biyaha, adkaynta hay’adaha Dowladda iyo ujeeddooyin kale oo lagu kaabayo adeegga beeraha ayaa lagu wadaa in uu soo dhammaado Janaayo, 2023.  Shirka maanta ka furmay magaalada Garoowe ayaa diiradda lagu saari doonaa wixii mashruuca ka qabsoomay iyo dar-dargelinta hawlaha dhimman.

Mashruucan ayaa qayb ka ah fulinta ahmiyadaha ku cad “Hannaanka ka-kabsashada iyo u adkaysiga abaaraha (RRF)” kaas oo ay Dowladdu dejisay sanadkii 2018.

Waxaa asna kalmado soo dhawen ah goobta ka jeediyey Wasiirka Wasaaradda  Qorsheynta Puntland, Cabdikhafar Xaange, oo bogaadiyey habsami u socda mashruuca iyo guulaha laga gaaray, sida dhismaha biyo qabatinno dhowr ah, dhismaha xarumo Wasaaradeed iyo isku xirka Hay’adaha Dowladda labada heer.

Kulankaan oo socon doona 4 cisho ayaa laga soo saari doonaa warmurtiyeed ku qotonta qodobada ka soo baxay shirka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo si buuxda ula wareegtay maareynta ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka kadib 32 Sano

Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyey...

DFS oo beenisay wararka ku saabsan heshiis qarsoodi ah oo ay la gashay Dowladda Sweden

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda u beenineysaa warbixinnada...

Shirweynaha Urur-goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo galay maalintiisii labaad

Shirweynaha Urur-goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) oo sanadkan...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kalfadhiga 76-aad ee UNHCR

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...