Madaxweynaha Puntland oo xarigga ka jaray Warshad sameysa mishiinka neefta “SAWIRRO”

Date:

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xarigga ka jaray Warshadda Oxygen-ta sameysa oo Wasaaradda Caafimaadka ee Puntland ay ku soo kordhisay Isbitaalka guud ee magaalada Qardho.

Warshada Oxygen-ta sameysa ee la keenay Isbitaalka Qardho, ayaa wax badan ka tari doonta baahida dhinaca Oxygen-ta xiligan oo uu jiro xanuunka COVID-19, waxaana sidoo kale Dowladda u Qorsheysay inay Warshado oxygen geyso magaalooyinka waaweyn ee Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale kormeeray qaybta Hooyada iyo dhallaanka ee lagu soo kordhiyay Isbitaalka Qardho, waa xarun u gaar ah in ubadka ku dhasha wax kayar 9-bilood, lagu caawiyo Caafimaad ahaan illaa uu si caadiya ugu korayo.

Ugu danbeyn Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa boggaadiyay shaqada wanaagsan ee ka socota Isbitaalka iyo dadaalka waxqabad ee Wasaaradda Caafimaadka, wuxuuna la wadaagay bulshada in Caafimaadku uu ka midyahay adeegyada muhimka ah ee bulshada loo hayo, Dowladuna ay muhiimad gaar ah siinayso in dadku helaan adeeg Caafimaad oo dhameystiran.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Shacabka oo ansixiyay hindise sharciyeedka hannaanka lacag bixinta Qaranka

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo WFP kala hadlay Isuduwidda Howlaha Gargaarka

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabi...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qaybgalay shirka Wasiirrada dalxiiska Qaaradda Afrika

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Saraakiil Soomaaliyeed oo tababar loogu soo xiray dalka Yugaandha

Madaxweynaha dalka Yugaandha Mudane Yoweri Museveni ayaa tababar usoo...