Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya oo gaaray Jabuuti

Date:

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa maanta gaaray Dalka Jabuuti, halkaa oo uu ku soo dhaweeyay dhiggiisa Jabuuti , Mudane  Ismaan Ibraahim Rooble.

Wasiirka oo socdaal saddex cisho ah ku joogaya Jabuuti, ayaa waxa uu ka qeybgalayaa shirka heer Wasiir ee waddamada urur-gobolleedka IGAD, kaa oo looga hadlayo Shaqada, Shaqo abuurka iyo sidii waddamada IGAD ay si xor ah uga shaqeyn karaan muwaadiniinta shaqo doonka, iyadoo la dhowrayo xaquuqaha aasaasiga ah.

Mudane Cabdiwahaab Ugaas, ayaa shirka ka jeedin doona khudbad , uu diiradda ku saarayo iskaashiga Shaqo iyo shaqo abuur ee waddamada IGAD.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...