Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya oo wax laga xumaado ku tilmaamay falalka ka dhacay Laascaanood

Date:

Wasiirka Caaladda ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay waxa ka socdo magaalada Laascaanood, oo ah in dad Soomaaliyeed laga musaafuriyo magaalo Soomaaliyeed, taasi oo uu ku sheegay inay tahay wax ku cusub dhaqankeena suuban, isla markaana aan ka turjumeyn dhaqanka Dowliga ah.

“Waxaa nasiib daro ah in si gaar ah loo bartilmaameedsado, dad gaar ah oo weliba si nadab ah ugu ganacsanayey magaalada, qaarkoodna hantidooda iyo guriyahooda laga soo dhex saarey”. ayuu yiri Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya oo hadalkiisa ku daray “Waxaan ugu baaqayaa maamulka Somaliland in ay joojiyaan falalka noocaan oo kale ah oo dhaqanka Islaamka, midka Dowliga ah iyo kan Soomaaliyeed midna aan ka tarjumeynin”.

Wasiir Cabdiqaadir ayaa sidoo kale wax garadka, Culimada, aqoonyahanada, Isimada, Cuqaasha, hay’adaha u dhaq dhaqaa xuquuqda aadanaha iyo Shacabweynaha reer Laascaanood ugu baaqay in aysan ka aamusin raalina ka noqon falkaan foosha xun, dowrkoodana ka qaataan xalinta arinkaan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maamulka Gobolka Banaadir oo ka shiray amniga, bilicda iyo adeegyada bulshada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay Xoghayaha Guud ee Guddiga Qaran Tacliinta sare

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xamza Cabdi...

Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan

Ugu yaraan 1,000 qof ayaa ku dhintay buuraha fog...

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la qaatay Wakiilka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Norway u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...