Munaasabad lagu dhaariyay saraakiil ka tirsan ciidanka GorGor oo Muqdisho lagu qabtay

Date:

Wasiirka Gaashandhigga Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa ka qeyb- galay Munaasabad lagu dhaarinayay Saraakiil iyo Saraakiil Xigeenno iyo ururka 10 Aad ee Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka ee GOR GOR.

Munaasabadda Sidoo kale waxaa ku sugnaa Saraakiil ka tirsan Ciidanka XooggaDalka, Taliska Xarunta Tababarada Ciidanka ee Turkisom iyo Mas’uuliyiin ka socotay Safaaraadda Turkiga ee Soomaaliya ,

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Avv. Xasan Xuseen Xaaji ayaa tilmaamay in Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan Kumaandooska GORGOR ay ka qeyb-qaateen Xorreynta Deegaanno ka tirsan Gobalada Dalka iyo Dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Sidoo kale waxa uu sheegay in looga baahanyahay in ay dhowraan sharafta Qaranka ay u dhaarteen .

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Taliska Xoogga Dalka ayaa wada qorshe ballaaran oo lagu tayeynayo Ciidanka Xoogga Dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Isu Duwaha QM ee Arrimaha Gargaarka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Norway oo maamulka koofur galbeed Soomaaliya ka caawineysa horumarinta korontada

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...

Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka oo saaka ka saaray Khawaarijta deegaanka Gumarre

Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan...