Bisha Cas oo Dhuusamareeb Ku maamustay Todobaadka caalamiga ah ee gargaarka degdega “SAWIRRO”

Date:

Habka gargaarka degdega ah iyo nuucyada gurmadka fudud ee ay bixiyaan shaqaalaha bisha cas ayaa lagu soo bandhigey munaasabadan oo gabangabo u aheyd xuska Todobaadka Gargaarka degdega ah oo ay kujirto maalinta caalamiga ah ee loo asteeyay in la xuso gargaarka degdega ah taa oo ku beegan 12-sep. ee sanad walba.

Goobta bandhigani ka dhacey oo aheyd xarunta Caafimaadka bisha cas ee Dhuusamareeb ayay ku sugnaayeen Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka Galmudug, xubno ka socday bulshada rayadka iyo bahda Caafimaad.

Cabdulqaadir Jimcaale Xalane, Madaxa Caafimaadka bisha Cas ee Gobolka Galgaduud ayaa faah faahiyey waxa ay kaga dhigantahay xuska maalintaan xafiiskoodan Bisha cas.

Cabdirisaaq Axmed Maxamuud, isku-duwaha gargaarka degdega ah ee Gobolka Galgaduud u qaabilsan bisha cas ayaa goobta ka xusey shaqooyinka ay u qabtaan bulshada, isagoo si gaar ah u dul istaagey muuhimada gargaarka degdega ah, nuucyada gargaarka iyo sida bulshada ay wax u taraan adeegyadooda, taasi oo Guddoomiyaha Guddiga bulshada bisha cas ee laanta Dhuusamareeb Dalmar Abshir Nuure afka bulshada rayadka ugu mahad naqey bisha cas Xuskan aawgiis.

Xasan Cabdinuur, Xiriiriyaha Bisha Cas ee laanta Dhuusamareeb oo ka cudur daarey dib u dhacyada ku yimid xuska maalintan oo si guud ay uga simanaayeen xafiisyada bilaha cas ayaa mahad celin u jeediyay Mas’uuliyiinta kala soo qayb gashey gunaanadkan.

Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug, Cabdulaahi warsame Abtidoon ayaa ugu dambeyn dardaaran kusoo gunaanadey munaasabadan.

Bisha cas oo sanadkan si weyn u maamuustaya todobaadka caalamiga ah ee gargaarka degdega ah ayaa sidoo kale dhalinyarada Dhuusamareeb u qabatey ciyaaro is dhex gal ah oo qayb ka ahaa wayneynta adeegyada gargaarka degdega ah ee muhiimada u leh Bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh...

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo Turkiga kaga qayb galaya shir muhiim ah

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay tiradii ugu badnad ee Khawaarijta iska soo dhiibta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo...

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo maanta ku kulmaya Daarusalaam

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ku kulmaya Daarusalaam iyadoo...