Maamulka Galmudug oo gaaray degaanka Laamo Cali Goodir “SAWIRRO”

Date:

Wafdigaan oo uu horkacayey Guddoomiyaha Guddiga arrimaha bulshada Baarlamaanka Galmudug ahna Xildhibaan Yoonis Maxamed Shaarre oo uu wehliyay Guddoomiyaha Gobolka Mudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye Isxal, isku duwayaal, xubno ka tirsan Golaha degaanka Degmada Gaalkacyo iyo Mas’uuliyiin kale ayaa gaaray degaanka Laamo Cali Goodir oo dhanka Waqooyi kaga beegan degmada Gallinsoor ee Gobolka Galgaduud.

Wafdigaan ayaa degaanka tagay ka dib markii ay soo gaartay cabasho dhanka Bani’aadannimo ah oo ay wajihayaan shacabka ku dhaqan degaanka Laamo Cali Goodir. Waxayna Mas’uuliyiintii bulshada degaanka ka dhagaysteen baahiyada ay wajahayaan, taas oo ay ugu horeeyaan biyaha, Caafimaadka iyo waxbarashada.

Mas’uuliyiinta booqashada u tagay degaanka ayaa balanqaaday inay sida ugu dhaqsiyaha badan uga jawaabayaan baahiyada ay soo gudbiyeen bulshada degaanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...