Maamulka Galmudug oo ku baaqay joojinta Colaadda Xananbuure ee Galgaduud

Date:

Wasaaradda Arrimaha Guddaha Galmudug iyo odayaasha dhaqanka oo ay wehliyaan Mas’uuliyiin kale ayaa ku baaqey joojinta xiisad colaadeed oo u dhexeeysa beelo walaalo ah oo kasoo cusboonaadey deegaanka Xananbuure ee waqooyiga gobolka Galgaduud.

Odayaasha dhaqanka ee Dhuusamareeb ku sugan ayaa dalbadey in si shuruud la’aan ah loo joojiyo colaadan oo saakay ka aloosantay dil loo geystay qof shacab ah, iyagoo si gaar ah uga dalbadey maamulka Galmudug in uu ciidamo soo celiya xasiloonida udiro Deegaankan.

Wasiir Dowlaha Caafimaadka Galmudug Axmed Faafaale iyo Wasiir ku xigeenka Shaqada iyo arrimaha Bulshada Galmudug Maxamed Nuur Diini ayaa iyana ugu baaqey siyaasiyiinta labada dhinac in ay si deg deg ah u gaaraan deegaankan oo ay isisoo hor fariisiyaan odayaasha si xal loo gaaro.

Ugu dambeyn Wasiir Dowlaha Wasaaradda Arimaha Guddaha Galmudug ahna ku simaha wasiirka mudane Axmed Xasan Cali Axmed Dheere ayaa adkeeyay muhiimada nabaddu u leedahay shacabka Xananbuure oo mudo lagu howlanaa heshiisiintooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...