Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la kulmay guddiga xaqiijinta Qoondada Haweenka

Date:

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Guddiga xaqiijinta qoondada haweenka ee uu Magacaabay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Madaxweynaha ayaa guddiga ay kala hadleen  xaqiijinta qoondada haweenka 30% ee golayaasha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ay xoojin doonaan qoondada haweenka, islamarkaana hadda Aqalka Sare ay kusoo baxeen labo xubnood oo dumar ah, markii golaha Shacabka ay bilaabaana ay ilaalin doonaan qoondada.

Waxaa uu xusay in maamulkisa ay ka go’antahay in haweenka ay kusoo baxaan doorashooyinka ayna ilaalin doonaan hanaan hufan oo haweenka ay kusoo bixi karaan.

Guddiga xaqiijinta qoondada haweenka oo ka kooban 13 xubnood ayaa dhawaan waxaa Magacaabay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, waxayna  hadda waddaan dadaallo ay  maamulada uga dhaadhicinayaan in ay ilaaliyaan qoondada Haweenka Soomaaliyeed.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...