Xubno ka tirsan Kooxda Daalibaan oo Qarax lala beegsaday

Date:

Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhimatay, 19 kalena waa ay ku dhaawacmeen qaraxyo kala duwan oo Maanta  ka dhacay magaalada Jalalabad ee bariga Afghanistan, sida ay sheegayaan warbaahinta maxalliga ah.

Weeraradan oo lala beegsaday baabuur ay leeyihiin kooxda Daalibaan ayaa ah qaraxyadii ugu horeeyey ee dad ku dhintaan tan iyo markii Maraykanku ka baxay Afghanistan.

Sarkaal ka tirsan waaxda caafimaadka ee Gobolka Nangarhar ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in saddex qof la dilay 18 kalena la dhaawacay, halka dhowr warbaahin oo maxalli ah ay weriyeen in weeraradaasi ay ku dhinteen ugu yaraan laba qof halka 19 kalena ay ku dhaawacmeen.

Jalalabad waa caasimadda Nangarhar, oo ah xudunta kooxda Daacish ee Afghanistan, Kuwaa oo sheegtay mas’uuliyadda weerarkii dhiig badan ku daatay ee lagu dilay in ka badan 100 qof  oo ku sugnaa Garoonka diyaaradaha Kabul dhammaadkii bishii Ogosto.

Sawirro laga soo qaaday goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa muujinaya Gaari watay calanka Daalibaan oo aad u burburay hareerahiisana ay taaganyahiin maleeshiyaad  hubaysan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Gaashaandhigga oo xaqiijisay dilka Macallin Jinoow

Waxaa la xaqiijiyay dilka Macallin Jinoow, kaas oo Wasiirka...

Dab ka kacay Suuqa Bakaaraha oo damintiisa lagu guuleystay

Waaxda Gurmadka Deg Degga ah ee Maamulka Gobolka Banaadir...

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeysay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...