R/Wasaare Rooble oo digniin cusub ka soo saaray kiiska Ikraan Tahliil

Date:

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble oo war-saxaafadeed soo saaray ayaa ka digay isku day kasta oo lagu marin habaabinayo Kiiska Ikraan Tahliil Faarax, isagoo faray Taliyayaasha Ciidamada Qalabka Sida in ay ka fogaadaan tallaabo kasta oo wax u dhimi karta sumcadda ciidamada qaranka oo dhaawicina karta kalsooni shacabka Soomaaliyeed .

“Ra’iisul wasaaruhu waxa uu la socdaa in Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida uu ka furan yahay gal dacwadeed ku saabsan kiiska Ikraan Tahliil Faarax, kaas oo waafaqsan qodobka 34-aad ee dastuurka dalka oo qof kasta xaq u siinaya inuu dacwadii sharciga waafaqsan ka furto maxkamadda awooda u leh,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska RW Rooble.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in uu aaminsan yahay sida uu dastuurku qabo in hey’adaha Garsoorka dalka ay ka madax-banaanyihiin laamaha fulinta iyo sharci dejinta ee dowladda, markii ay gudanayaan waajibaadkooda.

“Waxaan u xaqiijinayaa shacabka Soomaaliyeed in aysan kaalin uga banaaneyn hey’adaha fulinta kuna sameyn karin wax faro-gelin ah kiiska Ikraan Tahliil Faarax,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Hoos ka akhriso qoraalka

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Daahfurka mashaariicda uu Isbahaysiga Milatari ee Islaamka ka fulinayo Muqdisho oo bilaabatay

Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilaabatay munaasabadda...

Guddoomiyaha BFS oo dhambaal hambalyo ah ka helay Guddoomiyaha Golaha Shuurada ee Boqortooyada Baxrayn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay xuska 15 guurada dib u curashada xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...