Madaxweyne kuxigeenka labaad ee Jubbaland oo kormeer ku tegay Talisyada ciidamada Dawlad Goboleedka Jubbaland

Date:

Madaxweyne kuxigeenka labaad ee dowlad Goboleedka Jubbaland ahna kusimaha madaxweynaha Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud (lugadheere) ayaa maanta oo Jimce ah kormeer ku tegay Talisyada ciidamada Dawlad Goboleedka Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka ee deegaanada Buulo-guduud iyo Baarka.

Kormeerkan ayaa waxaa Madaxweyne ku xigeenka ku wehelinayey wasiirka wasaaradda Amniga Jubbaland Jeneraal Yuusuf Xuseen Cisman Dhummaal, Wasiirka wasaaradda Maaliyadda iyo hormarinta dhaqaalaha Xuseen Xirsi Axmed iyo Wasiirka Waxbarashada Cabdinaasir Seeraar Maax.

Socdaalkan ayaa ahaa mid lagu dhiirigalinayey ciidamada ku sugan deegaannadaasi si ay gacanta ugu dhigaan deegaannada kale ee ay ku sugan yihiin Al-shabaab.

Madaxweyne kuxigeenka labaad ee Jubbaland iyo mas’uuliyiinta la socda ayaa waxaa ay la kulmeen saraakiisha Ciidamada Goobaha ay booqdeen, iyaga oo kala hadlay sidii loo bilaabi lahaa howlgallo ka dhan ah Argagixisada Al-Shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray Xarummo muhiim u ah Galmudug 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Danjire Jibriil oo furay tartanka Lady Justice Joyce Aluoch ee lagu qabtay Jaamacadda USIU-Afrika

Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa lagu martiqaaday inuu furo...

Masuuliyiin ka tirsan Hirshabelle oo kormeer dhiirrigelin ah ku tagay deegaanka Xaaji Cali

Masuuliyiin ka tirsan Dowlad-goboleedka Hirshabelle ayaa gaaray deegaanka Xaaji...

Maxkamadda Ciidamada oo xukun dil ah ku fulisay laba xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta   

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukun dil ah ku...