Danjire Cawaale Cali Kullane” Soomaaliya waxa ay u baahan tahay in hishiis dhanka beeraha ah la saxiixato dalka Shiinaha”

Date:

Danjire Cawaale Cali Kullane safiirka Soomaaliya ee Shiinaha ayaa hadalkan ka sheegay mar uu ka qayb galayay shir ay soo agaasintay wasaaradda beeraha & iyo arrimaha reer miyaga ee Dowladda Shiinaha, shirkaas ay kasoo qayb galeen wasiirada beeraha dalalka Shiinaha, Ingiriiska, Faransiiska iyo kuwa kale.

Safiir Cawaale oo qudbad dheer oo muhiim ahayd ka jeediyay (THE INTERNATIONAL CONFERENCE ON FOOD LOSS AND WASTE) Shirka Caalamiga ee cunada qasaarta ayaa sheegay in Shiinahu yahay dal aad ugu hormaray dhanka Beeraha ayna Soomaaliya wax badan uga faa’ideyn karto.

Danjire Cawaale Cali Kullane oo fogaan arag uga qayb galayay shirka wuxuu mahadnaqay Wasaaradda Beeraha ee Shiinaha qabsoomidda shirkan, isagoo khudbadiisa wuxuu ku sheegay “in dunida tobankii qofba mid uu nafaqo darro haysato, in ka badan saddex-meeloodna meel dadka adduunka aysan awoodi karin in ay helaan cunto caafimaad leh, sababtana ma aha cunto yari ee waa cunno qasaartay”.

Danjire Cawaale oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yiri: “Khasaaraha cuntada dalalka horumaraya waxay gaarayaan qiyaastii 680 Bilyan oo Dollarka Mareykanka ah, halka dalalka soo korayana waxaa ay garayaan 310 Bilyan oo dollar, lacagtan khasaartay haddii la badbaadiyo waxaa loo isticmaali kari lahaa in kor loogu qaado tayada dalalka soo korayo”.

Danjire Cawaale Cali Kullane ayaa sidoo kale xusay horumarka ay dowladda Shiinaha ka sameysay yareynta cuntada khasaarta isagoo soo hadal qaaday in Soomaaliya iyo Shiinaha hada ka hor iska kaashadeen dhanka beeraha sidii soomaaliya loogu abuuri lahaa bariiska dalkeena Soomaaliya.

Amb. Cawaale ayaa sheegay in loo baahan yahay in la sii xoojiyo iskaashiga dhinaca beeraha ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.

Xariirka Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa ah mid soo jireen ah oo dhinacyo badan ah sida waxbarashada, ganacsiga, beeraha, hawada iyo kuwa kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...