Taliban oo soo dhistay dowlad ay ugu magac dartay ‘Imaaradda Islaamiga ah ee Afghanistan’

Date:

Ururka Taalibaan ayaa si rasmi ah ugu dhowaaqay dowlad cusub oo ay ugu magac dareen “Dowladda Imaaradda Islaamiga ah ee Afghanistan” Waxaana dowladan madax looga dhigay Mullah Maxamed Xasan Akhund oo ay saaran tahay cunaqabateynta Qaramada Midoobey.

Afhayeenka Taalibaan Zaibullah Mujahid, oo shir jara’aaid ku qabtay Kabul, ayaa sheegay in Abdul Ghani Baradar, oo wax ka aas-aasay Taalibaan, uu noqon doono ra’iisul wasaare ku-xigeenka. Mullah Cabdisalaan Xanafi ayaa isna la dhigay ku xigeenka labaad.

“Golaha Wasiirada ma ahan mid dhameystiran waa ku-meel gaar ah. Waxaan dad kale uga soo dari doonnaa qeybaha kale ee dalka,” ayuu yiri Zabihullah Mujahid.

Amir Khan Muttaqi, oo ahaa wada-xaajoodihii Taalibaan ee wada-hadalladii Doha, kuna jiray dowladdii hore ee Afghanistan, ayaa loo magacaabay wasiirka arrimaha dibedda Afghanistaan.

Sidoo kale wasiirka arrimaha gudaha ee dowladda Imaaradda Islaamka Afghanistan ayaa loo magacaabay nin ku jira liiska dadka ay FBI-da doondoonayso oo magaciisu yahay Sirajudiin Xaqani oo madax ka ah ururka Shabakadda Xaqaani ee ka dhisan dalalka Pakistan iyo Afghanistan.

Mullah Yaquub ayaa loo magacaabay wasiirka gaashaandhigga , waana wiil uu dhalay hoggaamiyihii hore ee Taalibaan Mullah Cumar.

Magacaabista shaqsiyaadkaan caanka ah ee awoodda ku dhex leh kooxda, ayaa muujineysa in Taalibaan aysan wax tanaasul ah u sameeneyn shacab maanta dibad-bax xoog leh ka dhigay caasimadda  Kabul, oo lagu kala eryey rasaas ay ciidamada Taalibaan kor u rideen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee Sacuudiga oo kormeer ku tagay Xafiiska Arrimaha Xajka ee magaalada Madiina

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Boqortooyada Sacuudiga,...

Soomaaliya oo tallaabo u qaaday Nidaamka Xisaab-xirka iyo lacag-bixinta gaadiidka cirka

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Agaasimaha Caafimaadka Galmudug oo akhriyay warmurtiyeedka shirka maalgelinta caafimaadka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee...

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...