Daawo: Guddiga doorashada heer federaal oo soo saaray jadwal cusub oo doorasho

Date:

Guddiga doorashooyinka heer federaal ee FEIT ayaa soo saaray jadwalka doorashada baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya, kaas lagu kala cadeeyey goorta lasoo gabagabeynayo doorashada Aqalka Sare iyo goorta ay bilaabaneyso tan golaha shacabka.

Sida ku cad jadwalkaan caawa ka soo baxay guddiga doorashooyinka heer federaalka doorashada golaha Aqalka Sare ayaa la qorsheeyey in lasoo gabagabeeyo 18-ka bishaan September.

Sidoo kale 25-ka bishaan ayaa la guda gelayaa diyaarinta iyo diiwaan gelinta guddiga soo xulaya ergooyinka iyo musharaxiinta xildhibaanada golaha shacabka.

1-da bisha October ayaa lagu sheegay jadwalkaan inay bilaabaneyso doorashada xildhibaanada golaha shacabka, iyadoo lasoo gabagabeyn doono 20-ka bisha November.

Ugu dambeyntiina 25-ka November waxaa bilaabanaya shahaado bixinta xubinimada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Hoos ka daawo

Hoos ka eeg Jadwalka

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee dalka Hindiya oo xabsiga ku booqday Muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo ku xiran

Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya ayaa...

Duqa Muqdisho oo kormeer shaqo ku tagay Xarunta Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Hodan oo ku soo baxday tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga Afar dhamaadka oo la sameeyay

Degmada Hodan oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...

Ex-Dable NISA Mukhtaar Shakuur Amiin oo dil toogasho ah lagu xukumay

Dable NISA Mukhtaar Shakuur Amiin, ayaa lagu edeeyay dilka...