Dagaal culus oo dib uga qarxay dalka Afghanistan

Date:

Mustaqbalka Dooxada Panjshir ee waddanka Afgaanistaan – oo ah meesha kaliya ee aanan ku jirin gacanta Taalibaan – ayaanan weli kala caddayn xilli uu soconayo dagaal culus.

Ila wareedyo ka agdhaw Taalibaan ayaa u sheegay wakaallada wararka ee Reuters inay qabsadeen aaggaasi, hasayeeshee dagaalyahannada wax-iska-caabbinta ayaa arrintaasi gaashaanka u daruuray.

Mid ka mid ah xooggaga iska-caabbinta, Amrullah Saleh, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay inuu cararay, hasayeeshee waxa uu sheegay in xaalku uu “adag yahay”.

Dagaalka ka soconaya Panjshir ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen boqollaal qof.

Dooxada oo ku taal waqooyiga magaalada caasimadda ah ee Kabul, ayaa ah mid ka mid ah gobollada ugu yar waddanka Afgaanistaan, waana goobta kaliya ee aanan soo gelin gacanta Taalibaan.

Goobtaas oo caadiyan lagu yaqaan in laga mucaarado Taalibaan ayaa waxa ay hoy u tahay inta u dhaxaysa 150,000 illaa 200,000 oo qof, waxaana ku hareeraysan buuro.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...