Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la kulmay dhigiisa dalka Turkiga “SAWIRRO”

Date:

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna Senatorka la doortay Xasan Xuseen Xaaji oo booqasho ku jooga Dalka Turkiga ayaa kula kulmay Dhiggiisa Dalkaas Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Turkiga ,waxaana si wadajir ah ay salaan ugu  qaateen Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Turkiga.

Waxaana intaas ka dib  , Wasiir Xasan Xuseen Xaaji kulan la qaatay Wasiirka Gaashaandhigga Dalka Turkiga ,iyagoo ka wada-hadlay Xoojinta Xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya Labada Wasaaradood iyo Kordhinta Taageerada iyo Tababarada Ciidan ee Dowladda Turkiga ay la garab taagantahay Dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa kaga mahadceliyay Dowladda Turkiga Taageerada Hagar la’aaneed ee dowladda Turkiga ay la garabtaagan tahay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ,Waxaana uu tilmaamay in Saraakiisha iyo Ciidamada lagu Tababaro Turkiga ay kaalin muuqata kaga jiraan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ,Sidoo kale ay qeyb ka yihiin dagaalka ka dhanka ah argagixisadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...