Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la kulmay dhigiisa dalka Turkiga “SAWIRRO”

Date:

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna Senatorka la doortay Xasan Xuseen Xaaji oo booqasho ku jooga Dalka Turkiga ayaa kula kulmay Dhiggiisa Dalkaas Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Turkiga ,waxaana si wadajir ah ay salaan uguย  qaateen Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Turkiga.

Waxaana intaas ka dibย  , Wasiir Xasan Xuseen Xaaji kulan la qaatay Wasiirka Gaashaandhigga Dalka Turkiga ,iyagoo ka wada-hadlay Xoojinta Xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya Labada Wasaaradood iyo Kordhinta Taageerada iyo Tababarada Ciidan ee Dowladda Turkiga ay la garab taagantahay Dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa kaga mahadceliyay Dowladda Turkiga Taageerada Hagar la’aaneed ee dowladda Turkiga ay la garabtaagan tahay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ,Waxaana uu tilmaamay in Saraakiisha iyo Ciidamada lagu Tababaro Turkiga ay kaalin muuqata kaga jiraan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ,Sidoo kale ay qeyb ka yihiin dagaalka ka dhanka ah argagixisadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...