Maraykanka oo deeq lacageed ku taageeray Ukraine

Date:

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa u sheegay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy in Maraykanka ay ka go’an tahay inuu Ukraine ka taageero ilaalinta xuduudaheeda. Madaxweyne Biden ayaa soo gudbiyey 60 bilyan oo dollar oo taageero dhinaca amniga ah, xilli Ukraine ay la tacaalayso xad-gudub kaga imanaya Ruushka.

Biden ayaa kulan uu Aqalka Cad kula qaatay madaxweynaha Ukraine ka sheegay in “Maraykanka ay ka go’an tahay madax banaanida dhuleed ee Ukraine, xilli ay uu dalkaasi xad-gudub kala kulmayo Ruushka.”
Waxa uu intaas raaciyey “Maanta waxaan ka wada hadlaynaa sida uu Maraykanku ku sii wadi lahaa taageerada Ukraine, xilli uu dalkaasi sii horumarinayo ajendaha isbeddelada dimoqraadiyadda.”

Labada hogaamiye oo markii ugu horeysay kulmay illaa markii Biden uu xilka la wareegay ayaa sidoo kale waxaa ajendahooda ku jiray ka hadalka mashuuca dhuumaha saliidda ee Nord Stream 2, kaas oo ah mashruuc ay Ukraine ka baqayso in Ruushku uu adeegsado sidii hub dhinaca siyaasadda ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...