Soomaali oo dil iyo dhaawacyo loogu geystay Canada

Date:

Wararka aan ka heleyno dalka Canada, waxay sheegayaan in rag hubeysan ay gudaha magaalada Toronto ee dalka Canada dil iyo dhaawac ugu geysteen dad Soomaaliyeed oo qaxootimo ku deganaa dalkaas.

Ragga hubeysan oo watay gaari ayaa la sheegay inay rasaas ku fureen goob ay ku sugnaayeen dhalinyaro Soomaali ah, waxaana halkaas lagu dhaawacay seddax wiil oo mid goor dambe uu dhaawacaas u geeriyooday.

Sahal Maxamed Sahal, ayaa magaciisa naloogu sheegay wiilka Soomaaliyeed ee dhaawaca ka soo gaaray weerarkaas ugu geeriyooday dalka Canada, halka labada qof oo kale ay dumar yihiin, kuwaas oo dhaawacyadooda lagu dabiibayo Isbitaal ku yaalla magaalada uu weerarkaan ka dhacay ee Toronto.

Aabaha dhalay wiilka la dilay ee Sahal Maxamed ayaa Warbaahinta u sheegay in uusan ogeyn cadaw gaar ah oo uu lahaa wiilkiisa, qadartana uu aaminsan yahay, isla markaana ay meydka wiilkiisii Sahal ku soo aaseen qabuuro ku yaalla magaalada Toronto, sidoo kale Aabe Maxamed, waxa uu sheegay in laamaha amniga magaalada ay wadaan baaritaano la xiriira dilka wiilkiisa, balse illaa hadda aysan jirin wax xiriir ah oo ay la soo sameeyeen mas’uuliyiinta dowladda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka qaybgalay Shir-weyne ku Saabsan Nidaamka Federaalka.

Muqdisho, Janaayo 21, 2026: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna...

Golaha Shacabka ee BFS oo Ansixiyay Heshiiska Dhismaha Urur Goboleedka IGAD.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Dalka Pakistan.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Ku-xigeenka Hantidhowrka Guud ee JFS oo ka warbixiyay kulanka isu-duwidda Hay’adaha Dowladda oo ka furmaya Muqdisho.

Ku-xigeenka Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mukhtaar...