Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyay geerida Eng. Maxamed Cumar Saalixi

Date:

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay geerida Allaha u naxariistee Eng. Maxamed Cumar Saalixi oo kamid ahaa dadkii dadaalka badan ku bixiyay difaaca dalka Soomaaliya gaar ahaan badda Kenya ay muranka gelisay.

Qoraalka madaxweynaha ayaa u qornaa sida:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Cumar Saalixi ayaa tilmaamay dadaalka Marxuumku uu ku bixiyey kiiska dacwadda baddeenna ee horyaalla Maxkamadda Caddaaladda Adduunka.

Madaxweynaha ayaa xusay taariikh nololeedka Marxuumka oo ku suntanaa dal jaceyl iyo howlkarnimo, taas oo ay ka mid tahay in Sarreeye Gaas Maxamed Cumar, Alle ha u naxariistee, uu soo qabtay xilal ay ka mid yihiin Wasiir Ku-xigeen, Hoggaanka Sahanka iyo Maababka Wasaaradda Gaashaandhigga, isaga oo hormuud u ahaa hirgelinta mashaariic horumarineed oo dalka laga fuliyey siddeetamaadkii.

“Alle ha u naxariistee Maxamed Cumar Saalixi waxaa uu laf-dhabar u ahaa dadaallada keydinta xogta dhuleed iyo badeed ee dalkeenna, isaga oo ka soo qeyb-qaatay sameynta maabab dalku uu leeyahay, haatanna waxa uu xubin ka ahaa Guddiga Qaran ee difaaca kiiska dacwadda baddeenna ee hortaal Maxkamadda Caddaaladda Adduunka.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Alle u weydiiyey Marxuumka in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...