Shir looga hadlayey Istaraatiijiyadda Sare u qaadista isticmaalka Gaaska Cuntada oo Muqdisho ย lagu soo geba-gabeyay โ€œSAWIRROโ€

Date:

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xaashi Carabeey ayaa Muqdisho ugu soo xeray kulan looga hadlaayay Istaraatiijiyadda Sare-uqaadista isticmaalka Gaaska Cuntada kaas oo ay ka qeybagalayeen Masโ€™uuliyiin Matalayay Hayโ€™adda Dowladda , Dowlad Gobaleedyada iyo Ganacsatada Soomaaliyeed ee iibiya Gaaska Cuntada.

Xeritaanka kulanka Waxaa goobjoog ka ahaa Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya , Xubno ka tirsan Xafiiska Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Waxaana agaasinka kulanka iska-kaashaday Agaasinka Deegaanka iyo Cimilada Xafiiska Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Agaasinka Deegaanka ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ย Maxamed Xaashi Carabeey ayaa ugu horreyntii u mahadceliyay Masโ€™uuliyiinta iyo qeybaha kala duwan ee kulanka joobjoogga ahaa mudadii uu Socday , Waxa kaloo si qota dheer uu ugu hadlay Xoojinta wada-shaqeynta Laamaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ganacsata si loo illaaliyo deegaanka , Shacabkana u helaan Gaas qiimo jaban oo tayo leh,

Dhanka kale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka ayaa kula dardaarmay dhaqan-gallinta Habraacyada iyo Sharciyadda Wasaaradda ay u dajisay Hagidda Ganacsiga iyo Ganacsata ee ku qotama Gaaska ,isagoo xusay in ay ku garabsiinayaan ganacsata wax walba oo suurta-gal ka dhigi kara in qiimo jaban oo macquul ah ay ku helaan shacabka Soomaaliyeed Gaaska Cuntada .

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay Safiirka Talyaaniga xoojinta xiriirka labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo xafiikiisa ku qaabilay danjiraha Ururka Jaamicadda Carabta u qaabilsan Soomaaliya

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo furay shirka wadamada xubnaha ka ah Ciidanka Heeganka Afrikada Bari

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...