Shir looga hadlayey Istaraatiijiyadda Sare u qaadista isticmaalka Gaaska Cuntada oo Muqdisho  lagu soo geba-gabeyay “SAWIRRO”

Date:

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xaashi Carabeey ayaa Muqdisho ugu soo xeray kulan looga hadlaayay Istaraatiijiyadda Sare-uqaadista isticmaalka Gaaska Cuntada kaas oo ay ka qeybagalayeen Mas’uuliyiin Matalayay Hay’adda Dowladda , Dowlad Gobaleedyada iyo Ganacsatada Soomaaliyeed ee iibiya Gaaska Cuntada.

Xeritaanka kulanka Waxaa goobjoog ka ahaa Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya , Xubno ka tirsan Xafiiska Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Waxaana agaasinka kulanka iska-kaashaday Agaasinka Deegaanka iyo Cimilada Xafiiska Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Agaasinka Deegaanka ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Xaashi Carabeey ayaa ugu horreyntii u mahadceliyay Mas’uuliyiinta iyo qeybaha kala duwan ee kulanka joobjoogga ahaa mudadii uu Socday , Waxa kaloo si qota dheer uu ugu hadlay Xoojinta wada-shaqeynta Laamaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ganacsata si loo illaaliyo deegaanka , Shacabkana u helaan Gaas qiimo jaban oo tayo leh,

Dhanka kale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka ayaa kula dardaarmay dhaqan-gallinta Habraacyada iyo Sharciyadda Wasaaradda ay u dajisay Hagidda Ganacsiga iyo Ganacsata ee ku qotama Gaaska ,isagoo xusay in ay ku garabsiinayaan ganacsata wax walba oo suurta-gal ka dhigi kara in qiimo jaban oo macquul ah ay ku helaan shacabka Soomaaliyeed Gaaska Cuntada .

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hawlgal ka dhan ah Khawaarijta oo Shabeelaha hoose laga fuliyey

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay...

Wasiirka Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka oo kulammo doceedyo la yeelatay Madax kala duwan

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Jamhuuriyadda...

Wasiirka Qorsheynta oo ka hadlay shirka Heer Wasiir ee Golaha Dhaqaalaha (ECOSOC)

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Federaalka...

Safiirka Soomaaliya oo tacsi u tegay Safaaradda Qatar ee New Delhi

New Delhi-Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Hindiya, Dr....