Cayaartooyda Hayland oo ka soo dagay garoonka Aadan Cabdulle

Date:

Cayaartooyda kubada cagta ee ka timid Haayland ee maamul goboleedka Puntland  ayaa waxaa garoonka Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho ku Soodhaweyay Wasiiro ka tirsan  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mas’uuliyiin ka socotay qaar ka mid ah hay’addaha Dowladda Soomaaliya, Maamulka Gobalka Banaadir iyo qeybaha kala duwan ee bulshada degmooyinka Gobalka Banaadir.

Guddoomiye kuxigeenka dhinaca amniga Gobalka Banaadir Cali Yare Cali oo ka hadlay soo dhoweynta ayaa sheegay inuu rajeynayo in ay cayaartooydu la cayaaraan degmooyinka gobalka Banaadir.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federalka Soomaliya Cismaan Abokor Dubbe oo ka mid ahaa Wasiiradii soo dhoweysay ayaa sheegay in cayaaruhu yihiin caafimaad iyo is dhexgal bulsho Xukuumadduna ay dhiirigelineyso dhalinyarada Soomaaliyeed ee cayaaryahanada ah.

Cayaartooyda  ayaa ka kooban 30 iyo dhowr ruux oo ku matalayay Gobalka Hayland kuwaasoo dhowaan ku guuleystay Tartanka Koobka Kubadda Cagta iyagoo ka guuleystay Gobalka Nugaal.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo Daah-furay Dib u habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Bannaanbaxu waa xaq dastuuri ah, balse fowdo ma aha

Sida dastuurro badan oo dunida ka jira, Dastuurka Soomaaliya...

War-saxaafadeed ku aadan Garsoore Cumar Cartan

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay...

Warsaxaafadeed: Calanka iyo Astaanta Qaranka ee saxda ah

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka...