Guddigii loo saaray baaritaanka dhacdadii Golweyn oo la kulmay Taliska ciidamada AMISOM

Date:

Guddigii Wasiirada ee uu Ra’iisul Wasaaraha XFS u xilsaaray baarista falkii ciidamo ka tirsan AMISOM ay ku dileen 7 ruux oo shacan deegaanka Golweyn ayaa maanta la kulmay Safiirka dowladda Uganda uqaabilsan Soomaaliya iyo saraakiisha ciidamada AMISOM.

Guddigaan oo ay hoggaaminayaan Wasiirka Gashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Xasan Xuseen Xaaji iyo Wasiirka Amniga Guddaha Soomaaliya Xasan Xundubeey Jimcaale iyo wasiirka cadaalada Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa waxa ay kulamo hor dhac ah la qaateen saraakiisha Ciidmaada AMISON iyo safiirka si loo gudda galo barista dil wadareedka ciidamo ka tirsan ay ugeysteen dad shacab ah.

Kulanka sidoo kale waxaa qeyb-ka ahaa xoghaya joogtada xafiiska Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble iyo xubno kale.

Ciidamada ka tirsan kuwa howl-galka AMISOM ee Soomaaliya ayaa waxa ay 10-kii Ogosto ee bishaan deegaanka Golweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ku dileen ilaa iyo todobo ruux oo shacab ah waxaana ehelada dadkaasi ay dowladda Federaalka ka codsadeen in cadaalada la horkeeno askartii ka dambeysay falkaasi

Wasiirka Cadaalada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Cabduqaadir Maxamed Nuur oo la hadlay warbaahinta ayaa faah faahiyay qodobadii maanta ay kala hadleen .

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo arrinkaasi ka jawaabaya ayaa waxa uu shalay kulan ku saabsanaa falkaasi xafiiska kula yeeshay Safiirka dowladda Uganda ufadhiya waxaana intaasi kadib Ra’iisul wasaare Rooble umagacaabay guddi Wasiiro ah oo ariinkaan si dhab ah ubaara si ehelada Marxuumiinta ay cadaalad uhelaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...