Guddigii loo saaray baaritaanka dhacdadii Golweyn oo la kulmay Taliska ciidamada AMISOM

Date:

Guddigii Wasiirada ee uu Ra’iisul Wasaaraha XFS u xilsaaray baarista falkii ciidamo ka tirsan AMISOM ay ku dileen 7 ruux oo shacan deegaanka Golweyn ayaa maanta la kulmay Safiirka dowladda Uganda uqaabilsan Soomaaliya iyo saraakiisha ciidamada AMISOM.

Guddigaan oo ay hoggaaminayaan Wasiirka Gashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Xasan Xuseen Xaaji iyo Wasiirka Amniga Guddaha Soomaaliya Xasan Xundubeey Jimcaale iyo wasiirka cadaalada Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa waxa ay kulamo hor dhac ah la qaateen saraakiisha Ciidmaada AMISON iyo safiirka si loo gudda galo barista dil wadareedka ciidamo ka tirsan ay ugeysteen dad shacab ah.

Kulanka sidoo kale waxaa qeyb-ka ahaa xoghaya joogtada xafiiska Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble iyo xubno kale.

Ciidamada ka tirsan kuwa howl-galka AMISOM ee Soomaaliya ayaa waxa ay 10-kii Ogosto ee bishaan deegaanka Golweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ku dileen ilaa iyo todobo ruux oo shacab ah waxaana ehelada dadkaasi ay dowladda Federaalka ka codsadeen in cadaalada la horkeeno askartii ka dambeysay falkaasi

Wasiirka Cadaalada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Cabduqaadir Maxamed Nuur oo la hadlay warbaahinta ayaa faah faahiyay qodobadii maanta ay kala hadleen .

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo arrinkaasi ka jawaabaya ayaa waxa uu shalay kulan ku saabsanaa falkaasi xafiiska kula yeeshay Safiirka dowladda Uganda ufadhiya waxaana intaasi kadib Ra’iisul wasaare Rooble umagacaabay guddi Wasiiro ah oo ariinkaan si dhab ah ubaara si ehelada Marxuumiinta ay cadaalad uhelaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh...

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo Turkiga kaga qayb galaya shir muhiim ah

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay tiradii ugu badnad ee Khawaarijta iska soo dhiibta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo...

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo maanta ku kulmaya Daarusalaam

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ku kulmaya Daarusalaam iyadoo...