Wasiirka Gaadiidka iyo Garoomaga Koonfur Galbeed oo qalab dhismo gaarsiiyay dhismaha terminaalka garoonka diyaaradaha Xuddur “SAWIRRO”

Date:

Waa markii labaad oo diyaarad sida agabka dhismaha garoonka soo gaarta magaalada xuddur tan iyo bilowgii aasaaska terminaalka garoonka degmada xuddur oo hada meel gebo gebo ah maraya.

Agabka lasoo gaarsiiyay waxay isugu jiraan Jiingad Alwaaxyo iyo Mutileel waxana dadaal badan geliyey oo kirada diyaaradaha iyo qalabka bixiyay wasiirka gaadiidka iyo garoomada dowlad goboleedka koonfur galbeed soomaaliya Xasan Xuseen Maxamed Eeley maadaama bakhaarada magaalada xuddur laga heleynin qalabka dhismaha wado aan ahayn tan hawada oo lasoo marsiiyana aysan jirin.

Wasiir Xasan Eeley ayaa horey diyaarad ugu keeney shamiintada lagu dhisay madaarka garoonka oo noqonaysa dhismihii ugu horeysey ee ay yeelato garoonka diyaaradaha degmada xuddur, dhismaha waxa gacanta ku haya guddi isxilqaan ah oo wasaarada kala shaqeeyo howlaha guud ahaan garoonka ka socda.

Guddoomiyaha guddiga isxilqaan dhismaha garoonka ayaa wasiir Xasan Eeley uga mahadceliyey dadaalkiisa ku aadan agabka dhismaha garoonka diyaaradaha xuddur.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...