Taliban oo laga dilay 15-dagaalame lagana qabsaday 3-degmo oo muhiim ah

Date:

Ciidamo daacad u ah dowladdii la riday ee Afghanistan ayaa Jimcihii Taaliban dib uga qabsaday saddex degmo oo ku yaalla waqooyiga dalkaasi maalmo uun kadib markii ay kooxdu dib u aas-aastay maamulkeedii dalkaasi.

Warbaahinta bulshada ee taabacsan Taalibaan ayaa xaqiijiyay in ciidamadoodu ay dib uga gurteen gobolka Baghlan. Waxa ay sheegeen in ugu yaraan 15 dagaallamayaasha Taliban ah ay ku dhinteen 15 kalana ay ku dhaawacmeen waxa ay ugu yeereen dhabarjebinta cafiskii ay kooxdu u fidisay xubnaha dowladdii hore ee Afghanistan.

Abdul Hamid, oo ah taliye maxalli ah ee koox lagu tilmaamay kacdoonka ka dhanka ah Taalibaan ayaa ku sheegay farriin muuqaal ah oo uu ka soo diray degmada Andrab in ciidamadiisu ay qarka u saaran yihiin degmo kale, islamarkaana wacad ku maray in uu qabsan doonaan gobolka Baghlan oo dhan.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa qortay in Taalibaan ay dalbatay ciidamo dheeri ah oo ka dagaalamaya degmada Andrab.

Weerarkan ayaa yimid maalmo kadib markii Amrullah Saleh oo Madaxweyne ku xigeen u soo noqday Madaxweynaha sida iskiis ah isku musaafuriyay ee Ashraf Ghani uu ku dhawaaqay inuu abaabulayo ciidan xoogan oo iska caaybiya Taalibaan oo uu ka wado gobolka uu ka soo jeedo ee Panjshir.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo safar shaqo ku jooga Nairobi ayaa la kulmay madaxda Bangiga Aduunka

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta...

Xamarweyne,Boondheere iyo Shibis oo saakay looga dareeray diiwaangelinta codbixiyaasha

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka gaar ahaan Degmooyinka Xamarweyne,...

Safiirka Soomaaliya ee dalka shiinaha oo Ka Qayb gashay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Luqadda Shiinaha

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Osman...

Ciidanka Daraawiishta Puntland oo fashiliyey weerar khawaarijta Daacish ku soo qaadeen fariisimo Ciidanka ku lahaayeen buuraha G/Bari

Ciidanka Daraawiishta dowlad gobolleedka Puntland ayaa aroornimadii hore ee...