Daraawiishta Galmudug ee ku sugan deegaanka Cadakibir oo iska caabisay weerar uga yimid Argagixisada

Date:

Ciidamada daraawiishta Galmudug ee ku sugan deegaanka Cadakibir ee Gobolka Galgaduud ayaa iska caabiyay weerar ay galabta ku soo qaadeen kooxda argagixisada Shabaab, ayadoo wararka halkaas naga soo gaaraya ay sheegayaan in jab xooggan ay kala laabteen halkaas.

Kooxda argagixisada Al-Shabaab oo dagaallo ay la galeen ciidamada Galmudug iyo kuwa Qaranka labadii billood ee u danbaysay deegaanno badan looga qabsaday, isla markaana jab xooggan oo dhan walba ah lagu gaarsiiyey ayaa isku dayaya in ay soo qaadaan weeraro nafla-caari ah oo ay maleeshiyaadkooda si qasab ah lagu galinayo.

Magaalooyinka Cadaado, Baxdo iyo Godinlabe ayaa lagu soo waramayaa in ay ka baxayaan gurmadyo ciidan oo ku wajahan aagga Cadakibir, waxaana la dareemayaa abaabul xooggan oo magaalooyinkaas iyo deegaannada hoostaga ka soconaya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmooyinka gobolka Banaadir oo kaarka codbixinta laga qaadanayo

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Ra’iisul wasaare Xamse oo ka qaybgalay isu soo bax dadweyne oo doorashada lagu taageerayo

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre...

Ururada siyaasadeed oo olole doorasho ka wada Muqdisho

Xilli maalmo kooban ay ka harsanyihiin maalinta codbixinta doorashada...

Wasiirka Qoyska oo kaarka codeynta ka qaadatay degmada Shingaani ee gobolka Banaadir

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda...