Daraawiishta Galmudug ee ku sugan deegaanka Cadakibir oo iska caabisay weerar uga yimid Argagixisada

Date:

Ciidamada daraawiishta Galmudug ee ku sugan deegaanka Cadakibir ee Gobolka Galgaduud ayaa iska caabiyay weerar ay galabta ku soo qaadeen kooxda argagixisada Shabaab, ayadoo wararka halkaas naga soo gaaraya ay sheegayaan in jab xooggan ay kala laabteen halkaas.

Kooxda argagixisada Al-Shabaab oo dagaallo ay la galeen ciidamada Galmudug iyo kuwa Qaranka labadii billood ee u danbaysay deegaanno badan looga qabsaday, isla markaana jab xooggan oo dhan walba ah lagu gaarsiiyey ayaa isku dayaya in ay soo qaadaan weeraro nafla-caari ah oo ay maleeshiyaadkooda si qasab ah lagu galinayo.

Magaalooyinka Cadaado, Baxdo iyo Godinlabe ayaa lagu soo waramayaa in ay ka baxayaan gurmadyo ciidan oo ku wajahan aagga Cadakibir, waxaana la dareemayaa abaabul xooggan oo magaalooyinkaas iyo deegaannada hoostaga ka soconaya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Howlgal lagu dilay xubno ka tirsanaa Khawaarijta oo ka dhacay Shabeellaha Hoose

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka oo kaashanaya saaxiibada...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho rasmi ah ku tegay Dalka Masar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo ka qeyb galay shirka Sirdoonka Dalalka Carabta

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka (NISA) Mudane Mahad...