Sawirro: Madaxweyne Qoor Qoor oo maamuusay ardaydii kaalimaha hore ka gashay imtixaankii dowladda

Date:

Madaxweynaha Galmudug  Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa maanta xarunta madaxtooyada kulan soo dhaweyn iyo dhiirigelin ah kula yeeshay ardaydii Galmudug ee kaalmaha 1-aad, 9-aad iyo 10-aad ka galay imtixaankii dusiyada sare ee dalka – sanad dugsiyeedkii 2020-2021.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey ardayda dadaalka ay muujiyeen iyo guusha ay ka gaareen halgankoodii waxbarasho oo ay soo wadeen muddo dheer.

Madaxweynuhu wuxuu shahaado sharafeed gudoonsiiyey Cawaale Axmed Awcali oo ah ardaygii kaalinta 1-aad ka galay imtixaankii dugsiyada sare ee  dalka, Maxamed Cabdinaasir Saciid, iyo Maxaad Cabdirisaaq Maxamuud oo iyaguna galay kaalmaha 9-aad iyo 10-aad.

Ugu danbayntii Madaxweynaha Dowladda Galmudug ayaa wasaaradda waxbarashada ku ammaanay dadaalka ay ka geysteen sare u qaadida aqoonta iyo tayeynta waxbarashada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Gaashaandhigga oo xaqiijisay dilka Macallin Jinoow

Waxaa la xaqiijiyay dilka Macallin Jinoow, kaas oo Wasiirka...

Dab ka kacay Suuqa Bakaaraha oo damintiisa lagu guuleystay

Waaxda Gurmadka Deg Degga ah ee Maamulka Gobolka Banaadir...

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeysay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...