Xafiiska RW Rooble oo taageeray in Sabtiga la qabto doorashada guddonka guddiga Somaliland

Date:

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Wasiiru dowlaha xafiiska Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu yiri, “Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha waxa uu adkeynayaa in doorashada Guddoonka Guddiga Doorashooyinka Somaliland ee SEIT ay noqoto mid daah-furan, laguna qabto waqtigeeda, si ay u gutaan waajibaadka loo xil-saaray.”

War-saxaafadeedka ayaa u qornaa sida tan:

Iyadoo la tixraacayo warqadda ka soo baxday Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka heer Federaal (FEIT) sumadeedu tahay TRX/010/AG/2021, kuna taariikheyrsan 4/08/2021, Ujeedadeeduna tahay Doorashada Guddoonka Soomaaliland (SEIT), ayaa guddiga doorashooyinka Soomaaliland oo ay warqadani sida tooska ah ugu socoto waxaa la farayaa inay fuliyaan Jadwalka doorashada Guddoonka guddiga.

Haddaba, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha wuxuu adkeynayaa in doorashada Hogaanka Guddiga ay noqoto mid daah furan laguna qabto waqtigeeda, si ay u gutaan waajibaadka loo xilsaaray.

Sidaa darteed hay’adaha dowladda ee arrintani quseyso waa inay kor joogteeyaan doorashada guddoonka guddiga, daneeyeyaasha caalamiga ah waxay u fasaxanyihiin kor joogteynta doorashada guddoonka guddiga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Danjiraha Soomaaliya ee Burkina Faso oo Xoojinaya Iskaashiga Ganacsiga iyo Maalgashiga

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Burkina Faso, Danjire...

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda WHO oo Xoojinaya Iskaashiga Horumarinta Caafimaadka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Guddoomiyaha SoDMA iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Baydhabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin...