Qaramada Midoobey iyo Midowga Yurub oo war kasoo saaray dhacdooyinka ka socda Tuunis

Date:

Qaramada Midoobey ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada siyaasiyiinta ee dalka Tuunis inay ka fogaadaan rabashad iyo in dalka uu galo fowdo.

Afhayeenka xoghayaha guud ee Qaraamda Midoobe Farxaaan Xaq ayaa sheegay in Qaramada Midoobey ugu baaqeyso dhinacada isku khilaafsan siyaasadda dalkaTuunis inay  xaaladda dejiyaan kuna dhamaeeyaan khilaafka jira si xigmadeysan .

Afhayeenka ayaa ka gaabsaday inuu afgenbi ku tilmaamo wixii xalay ka dhacay dalka Tuunis.

Dhinaca kale, Midowga Yurub ayaa ugu baaqay madaxda Tuunis in la ixtiraamo dastuurka iyo sharciyada u yaal dalka.

Nabiila Misraali oo u ah Midowga Yurub afhayeen  ayaa sheegtay in ururka Midowga Yurub si hoose ula socda dhacdooyinkii  ugu danbeeyay  ee dalka Tuunis.

Madaxweynaha Tuunis ayaa xalay xilka ka qaaday ra’iisal wasaarihii dalkaas. Isagoo sidoo kalena joojiyay dhamaan howlihii baarlamaanka  dalkaas

Madaxweyne Qeys Saciid ayaa maanta sidoo kale xilka ka  qaaday wasiirada caddaladda iyo difaaca ee dalkaas.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Daahfurka mashaariicda uu Isbahaysiga Milatari ee Islaamka ka fulinayo Muqdisho oo bilaabatay

Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilaabatay munaasabadda...

Guddoomiyaha BFS oo dhambaal hambalyo ah ka helay Guddoomiyaha Golaha Shuurada ee Boqortooyada Baxrayn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay xuska 15 guurada dib u curashada xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...