Qaramada Midoobey iyo Midowga Yurub oo war kasoo saaray dhacdooyinka ka socda Tuunis

Date:

Qaramada Midoobey ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada siyaasiyiinta ee dalka Tuunis inay ka fogaadaan rabashad iyo in dalka uu galo fowdo.

Afhayeenka xoghayaha guud ee Qaraamda Midoobe Farxaaan Xaq ayaa sheegay in Qaramada Midoobey ugu baaqeyso dhinacada isku khilaafsan siyaasadda dalkaTuunis inay  xaaladda dejiyaan kuna dhamaeeyaan khilaafka jira si xigmadeysan .

Afhayeenka ayaa ka gaabsaday inuu afgenbi ku tilmaamo wixii xalay ka dhacay dalka Tuunis.

Dhinaca kale, Midowga Yurub ayaa ugu baaqay madaxda Tuunis in la ixtiraamo dastuurka iyo sharciyada u yaal dalka.

Nabiila Misraali oo u ah Midowga Yurub afhayeen  ayaa sheegtay in ururka Midowga Yurub si hoose ula socda dhacdooyinkii  ugu danbeeyay  ee dalka Tuunis.

Madaxweynaha Tuunis ayaa xalay xilka ka qaaday ra’iisal wasaarihii dalkaas. Isagoo sidoo kalena joojiyay dhamaan howlihii baarlamaanka  dalkaas

Madaxweyne Qeys Saciid ayaa maanta sidoo kale xilka ka  qaaday wasiirada caddaladda iyo difaaca ee dalkaas.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintiisa afaraad.

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo ka socda magaalada...

NISA oo gacanta ku dhigtay shabakad Khawaarij ah oo ka Kooban 11 dhagar-qabe.

War-saxaafadeedka. Muqdisho, 27 Nofeembar 2025 Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda...

Duqa Muqdisho oo ka qeybgalay doorashada Xoghayaha Ururka Magaalooyinka Carabta.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Guddiga Horumarinta adeegga Bulshada ee Aqalka Sare oo kormeer ku tagay Hay’adda SoDMA.

Guddiga Horumarinta adeegga Bulshada, arrimaha bani'aadanimada, warfaafinta iyo dhaqanka...