Habraaca Xalinta Khilaafaadka Aqalka Sare oo lasoo saaray

Date:

War-saxaafadeed ka soo baxay Guddiga Xallinta Khilaafaaadka doorashada dadban ka dhaceysa ayaa soo saaray habraaca xallinta khilaafaadka doorashada Senatorrada Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya oo maalmaha soo socda ay doorashadoodu ka bilaabaneyso xarumaha dowlad goboleedyada dalka.

“Guddigu wuxuu la wadaagayaa Musharaxiinta iyo Codbixiyaasha Aqalka Sare Habraaca Xallinta Khilaafaadka Doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Guddiga ayaa qoraalkaan ku soo bandhigay cidda ay cabashadooda qaabilayaan iyo shuruudaha looga baahan yahay, waxayna ku soo koobeen afar qodob oo kala ah:

1- Musharax soo buuxiyay shuruudaha musharaxnimada Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ee ku xusan Qodobka 58 aad ee Dastuurka ku-meel gaarka ah ee dalka iyo Sharciyada kale ee Hagaya Doorashada Dadban ee 2020/2021, loona diiwaan galiyay u tartamida Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

2- Waxaa kaloo cabasho u soo gudbin kara Guddiga Xallinta Khilaafaaadka Doorashada Dadban Xildhibaanada dowlad goboleedyada iyo xubnaha Ergada loo xulay in ay u codeeyaan tartamayaasha Aqalka Sare ee Somaliland oo ay si toos ah u saamayso xad-gudubyada ka dhasha maamulka doorashada.

3- Waa in uu codsi qoraal ah u soo gudbiyaa Guddiga Xallinta Khilaafaaadka Doorashada Dadban, soona buuxiyaa foomka diiwaan galinta cabashada xallinta Khilaafaadka Doorashada Aqalka Sare.

4- Waa in uu bixiyaa lacagta diiwaan galinta cabashada oo dhan 3,000 oo dollar (sedex kun oo dollar) kuna soo lifaaqaa galkiisa cabashada waraaqda cadeyneysa in uu ku shubay lacagta xisaabta bangiga loo asteeyay.

“Haddaba intaas oo shuruud ah haddii uu soo buuxiyo qofka cabanaya, Guddigu wuxuu qadanayaa go’aan uu ugu garnaqayo cabashadaas muddo 7 malmood gudahood ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedkaan ka soo baxay Guddiga Xallinta Khilaafaaadka doorashada dadban.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...