Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyda Soomaaliya oo sanadkii Afaraad ciidsiiyay Agoonta Wariyeyaashii Muqdisho ku geeriyooday “SAWIRRO”

Date:

Xafiiska Warfaafinta iyo xiriirka warbaahinta madaxtooyada Soomaaliya ayaa maanta u qeybiyay lacago ay uga qeyb galaan farxadda maalmaha Ciidul fidriga caruurta Agoonta ah ee ay ka tageen Suxufiyiintii Soomaaliyeed ee Muqdisho ku geeriyooday laga soo billaabo sanadkii 2007-dii, taasi oo noqoneysa sanadkii Afaraad oo si xiriir ah xafiisku u ciidsiinayo caruurta Agoonta ah.

Agaasimaha xiriirka Warbaahinta madaxtooyada Qaranka mudane Cabdirisaaq Jaamac Cilmi Black, oo guddi matalayay Warbaahinta gaar loo leeyahay ku wareejiyay lacagaha sanadkan loogu talo galay in Agoonta lagu coodeysiiyo ayaa tilmaamay in ka xafiiska ahaan ay diyaar u yihiin in ay kaalin muuqata ka qaataan daryeelka iyo ka warqabka agoonta Wariyeyaasha soomaaliyeed ee geeriyooday iyaga oo gudanaya waajibkooda shaqo.

Dhinaca kale guddi ka kooban Agaasimayaal iyo Wariyeyaal ka howlgala warbaahinta gaarka loo leeyahay ee Muqdisho ayaa soo dhaweeyay taakulada xafiiska Warfaafinta madaxtooyada JFS la garab taaganyahay caruurta agoonta Wariyeyaashii soomaaliyeed.

Qorshahan Xafiiska Warfaafinta iyo xiriirka Warbaahinta madaxtooyada Qaranka oo sanadkii Afaraad ciidsiinaya Agoonta Wariyeyaashii ee Muqdisho ku geeriyooday ayaa ujeedkiisu yahay in garab istaag loogu muujiyo Agoonta ay ka geeriyoodeen Wariyeyaasha soomaaliyeed oo iyagu u adeega bulshadooda naftooda ku wayay, islamarkaan ay isku xir u noqoto guud ahaan bahda Warbaahinta dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Baarlamaanka JFS oo Xuddur ka daah-furay ololaha diiwaangelinta dadweynaha  

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa magaalada...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-Nidaamiyaha dhijitaalka nidaamka maareynta maaliyadda

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa ku bogaadiyey...

Shirweynaha dhismaha SSC-Khaatumo iyo ansixinta dastuurka Waqooyi Bari Soomaaliya oo soo gabagaboobay

Waxaa si rasmi ah loo soo gabagabeeyay Shirweynihii dhameystirka...

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis ku saabsan xaaladda Ciidamada (SoFA)

War-Saxaafadeed Iyadoo la xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah ee walaalnimo...