Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 11-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulankiisaย 27aadย ee wareeggaย Afar dhamaadkaย ku tartamay Degmooyinkaย Kismaayoย Vsย Jilibย oo ka kala tirsan Gobollada Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe, waxaana barnaamijka sanadkan taabagelinaya Bangigaย IBS.
Tartameyaasha labada degmo eeย Kismaayoย Vsย Jilibย ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.
Kismaayo
Tartameyaasha Degmada Kismaayo Gobolka Jubbada Hoose waxaa la weydiiyey todobo Suโaal, todobadii suโaal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeenย Afarย suโaal, halka ay iska qaldeenย Saddexย suโaal, Ma jirin wax ka faaโiideysi ah oo ay heleen Kismaayo, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Kismaayo ay heleen waxay noqotayย Sideed (8)ย dhibcood.
Jilib
Tartamayaasha Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe waxaa dhankooda la weydiiyay todobo suโaal, waxa ay ka jawaabeenย Saddexย suโaal, waxa ay iska qaldeenย Afarย suโaal, Ma jirin wax ka faaโiideysi ah oo ay heleen Jilib, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Jilib waxay noqotayย Lix (6)ย dhibcood.
Hadaba kulankiiย 27aadย ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareeggaย kama dambeysta ah ee tartankaย u soo gudbay tartamayaasha Degmada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.
Habeen dambe oo ah habeenkaย 28aadย ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka, waxaa ku tartami doona degmooyinkaย Beladweyneย Vsย Warta Nabaddaย oo ka kala tirsan Gobollada Hiiraan iyo Banaadir, kadib markii Guddiga tartanka uu sheegay in gebi ahaanba la baabiโiyay natiijada tartakii dhex maray labada dambe, waxaana labada degmo tii soo baxda ay isla habeen dambe la tartami doonaan Yaaqshiid oo wareegga afar dhamaadka ku sugan.