Jadwalka Casharada Fogaan-darsiga ee Dugsiyada Hoose iyo Dhaxe oo laga baahinayo Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

Date:

Wasaaraddaha Waxbarashada iyo Warfaafinta ayaa si wada jir ah ugu dhawaaqay casharada Fogaan-darsiga ee Dugsiyada Hoose iyo Dhaxe, taasi oo  si maalinle ah looga baahin doono Radio Muqdisho iyo baraha arimaha bulshada ee Telefishinka Qaranka iyo Raadiyaha.

Munasaabadda lagu shaacinayey Jadwalka waxa goob joog ahaa Agaasimayaasha guud ee Labada Wasaaradood iyo Agaasimayaasha Telefishinka Qaranka iyo Radio Muqdisho.

Wasaaradda Waxbarashada Qaranka ayaa hindistay in Warbaahinta Qaranka laga siidaayo casharada Fogaan-darsiga oo waafaqsan Manhajka Qaranka, kadib xayiraadihii COVID-19 ee sanadkii hore sida uu sharxay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada  Maxamed Caabi Xasan oo tilmaamay in ardaydu ay baahi weyn u qabaan helidda casharada fogaan darsiga.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdinaasir Xuseen ayaa ballanqaaday in Wasaaraddu doorkeeda qaadanayso si xiriir ahna casharadda looga tebin doono Warbaahinta Qaranka, kaasi oo ay si fudud ugu faa’iideysan doonaan dhamaan ardayda Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer dhiirrigelin ah ku tegay deeganka Gendershe

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa...

Wasaaradda Qoyska oo New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed

Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ayaa magaalada New...

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka...