Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 11-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulankiisaย 23aadย ee wareeggaย Saddexaad ku tartamay Degmooyinkaย Jilibย Vsย Kaaraanย oo ka kala tirsan Gobollada Jubbada Dhexe iyo Banaadir, waxaana barnaamijka sanadkan taabagelinaya Bangigaย IBS.
Tartameyaasha labada degmo ee ย Jilibย Vsย Kaaraanย ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.
Jilib
Tartameyaasha Degmada Beladweyne Gobolka Jubbada Dhexe waxaa la weydiiyey todobo Suโaal, todobadii suโaal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeenย Afarย suโaal, halka ay iska qaldeenย Saddexย suโaal, waxa ay ka faaโiideysteenย halย suโaal oo soo hareermartay tartamayaasha Degmada Kaaraan, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Jilib ay heleen waxay noqotayย Toban (10)ย dhibcood.
Kaaraan
Tartamayaasha Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo suโaal, waxa ay ka jawaabeenย Saddaxย suโaal, waxa ay iska qaldeenย Afarย suโaal, Ma jirin wax ka faaโiideysi ah oo ay heleen tartameyaasha Kaaraan, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Kaaraan waxay noqotayย Lix (6)ย dhibcood.
Hadaba kulankiiย 23aadย ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareeggaย 4aadย u soo gudbay tartamayaasha Degmada Jilib ย ee gobolka Jubbada Dhexe, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.
Habeen dambe oo ah habeenkaย 24aadย ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka, waxaa ku tartami doona degmooyinkaย Kismaayoย iyoย Xamar weyneย oo ka kala tirsan Gobollada Jubbada Hoose iyo Banaadir.
Sawir Qaade: Khadar Cali Nuur