Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Khaliif Cabdi Cumar oo uu wehelinayey Wasiiru-dawlaha Wasaaradda mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye, ayaa maanta kulan hawleed shaqo la qaatay masβuuliyiinta iyo Golaha cusub ee Maamulka sare ee dhawaan loo soo magacaabay hayβadda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed, kuwaasi oo ka kala socday Wasaaradaha dalka.
Kulanka oo ahaa mid Wasiirku ku dar-dar-gelinayey hawlaha shaqo ee hayβadda, ayaa waxa goob-joog ka ahaa oo war-bixinno laga dhagaystay Maareeyaha hayβadda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed Mudane Aadan Xasan Barre (Aadan Cadde) iyo Maareeye ku-xigeenka hayβaddaasi Mudane CaydaruusΒ Β Macalin Xasan. Waxaa kale oo kulanka looga hadlay dar-dar-gelinta hawlaha shaqo iyo sidii dalka looga hirgelin lahaa hal-beegyada tayo-dhowrka Soomaaliyeed oo dhawaan la daah-furay, kuwaasi oo ahmiyad weyn u leh ilaalinta tayada badeecadaha iyo ilaalinta bad-qabka caafimaad ee noolaha iyo biiβadaba.
Wasiirku, wuxu si gaar ah u soo dhaweeyey Golaha Maamulka sare ee hayβadda oo kala matelayey Xafiiska Raβiisal Wasaaraha iyo qaar ka mid ah Wasaaradaha kala duwan ee heer Federaal, waxaana uu ku boggaadiyey shaqada fiican ee ay qabteen muddadii ay joogeen xafiiska siddoo kalena looga baahan yahay inay kor u sii qaadaan dedaalkooda iyo siddii hayβaddani ay ugu guulaysan lahayd ilaalinta tayada badeecadaha laga dhoofiyo wadanka, kuwa laga soo dejiyo iyo waxyaabaha lagu isticmaalo gudaha dalka.

