Goobo Argagixisadu ku dhumaaleysanayeen oo la bur-buray “SAWIRRO”

Date:

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgalo Burburin ah Ka sameeyey degaanka Mubaarak ee Gobalka Shabeellaha Hoose .

Hawlgalkaan  oo u jeedkiisu ahaa Burburinta goobaha ay Nabadiidku ka dhigtaan gabaadka . Sidoo kale waxa ay guri-guri  u bareen guryihii ku yaalay degaanka Mubaarak.

Intii lagu gudo jiray baritaanka Ciidanku waxa ku gulaysteen in ay burburiyaan goob ay nabadiidku ku farsamayn jireen walxaha qarxa iyo goob ay ku kaydin jireen dawooyinka.

Dhinaca kale Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ku guulaystay inay soo qabtaan  maleeshiyaad ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab oo ku dhuumalaysanayey degaanka oo uu kamid ahaa horjoogihii Maaliyadda ee degaanka Mubarak u qaabilsanaa Argagixisada horjoogahaas oo lagu magacaabo  Abuu Salmaan .

Sida ay Idaacadda Ciidamadda Qalabka  u sheegeen Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee hogaaminayo howlgalka .

Hawlgalkan ayaa qayb ka ah hawlgallo lagu baacsanayo nabadiidka Al-Shabaab oo wali ka sii soconaya Gobalka Shabeellaha Hoose.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jeneraal...

NISA oo kaashanaysa saaxiibada caalamiga ayaa hawlgal ku dishay horjoogeyaal khawaarij ah

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya...

Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray

Turkey’s SolidAERO waxa ay soo saartay TALAY, oo ah...

Wejiga labaad ee Barnaamijka iskaashiga Shacabka iyo Haya’addaha Amniga oo lagu qabtay Muqdisho

Degmada Dharkenlay ee gobolka Banaadir oo lagu qabtay kulan...