Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay Amniga, Abaaraha iyo saameynta Safmarka COVID-19 “SAWIRRO”

Date:

Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa looga hadlay amniga, abaaraha iyo saameynta Caafimaad ee dalka uu ku yeeshay Safmarka COVID-19.

Golaha Wasiirada ayaa warbixinno la xiriira amniga iyo howlgallada socda ka dhageystay Wasiirrada Amniga iyo Gaashaandhigga, waxayna tilmaameen in xiligan loo diyaar garoobayo bisha barakaysan ee Ramadaan ay jiraan feejignaan dhinaca amniga ah.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa golaha warbixin ka siisay xaaladihii u danbeeyey ee safmarka COVID-19 uu ku yeeshay dalka, waxayna sheegtay in guud ahaan dalka ay ka soconayaan dadaalada lagu badbaadinayo nafta dadka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka codsaday Ganacsatada Soomaaliyeed in qiimaha maciishada hoos loo dhigo bisha Ramadaan, isla markaana bulshadu is caawiso, bacdamaa uu dalka saameyn dhaqaale ku yeeshay Safmarka jira.

Golaha Wasiirrada ayaa ugu danbeyn warbixin ka dhageystay Guddiga abaaraha oo ka hadlay dhibaatooyinka ka dhashay abaarihii ku dhuftay qaar kamid ah deegaannada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Waxuna goluhu ansixiyay xubin ka tirsan guddiga doorashooyinka oo soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo safar shaqo ku jooga Nairobi ayaa la kulmay madaxda Bangiga Aduunka

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta...

Xamarweyne,Boondheere iyo Shibis oo saakay looga dareeray diiwaangelinta codbixiyaasha

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka gaar ahaan Degmooyinka Xamarweyne,...

Safiirka Soomaaliya ee dalka shiinaha oo Ka Qayb gashay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Luqadda Shiinaha

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Osman...

Ciidanka Daraawiishta Puntland oo fashiliyey weerar khawaarijta Daacish ku soo qaadeen fariisimo Ciidanka ku lahaayeen buuraha G/Bari

Ciidanka Daraawiishta dowlad gobolleedka Puntland ayaa aroornimadii hore ee...