Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay Amniga, Abaaraha iyo saameynta Safmarka COVID-19 “SAWIRRO”

Date:

Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa looga hadlay amniga, abaaraha iyo saameynta Caafimaad ee dalka uu ku yeeshay Safmarka COVID-19.

Golaha Wasiirada ayaa warbixinno la xiriira amniga iyo howlgallada socda ka dhageystay Wasiirrada Amniga iyo Gaashaandhigga, waxayna tilmaameen in xiligan loo diyaar garoobayo bisha barakaysan ee Ramadaan ay jiraan feejignaan dhinaca amniga ah.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa golaha warbixin ka siisay xaaladihii u danbeeyey ee safmarka COVID-19 uu ku yeeshay dalka, waxayna sheegtay in guud ahaan dalka ay ka soconayaan dadaalada lagu badbaadinayo nafta dadka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka codsaday Ganacsatada Soomaaliyeed in qiimaha maciishada hoos loo dhigo bisha Ramadaan, isla markaana bulshadu is caawiso, bacdamaa uu dalka saameyn dhaqaale ku yeeshay Safmarka jira.

Golaha Wasiirrada ayaa ugu danbeyn warbixin ka dhageystay Guddiga abaaraha oo ka hadlay dhibaatooyinka ka dhashay abaarihii ku dhuftay qaar kamid ah deegaannada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Waxuna goluhu ansixiyay xubin ka tirsan guddiga doorashooyinka oo soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

MADAXWEYNAHA JFS OO GAARAY MAGAALADA DOHA EE DALKA QATAR

Doha, Febaraayo, 06,2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan...

Duqa Muqdisho oo horkacayay olole nadaafadeed oo maanta laga sameeyay Xeebta Liido

Muqdisho, Febraayo 06, 2026: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna...

NISA oo howlgal qorsheysan ku dishay horjoogihii Maaliyadda Khawaarijta ee Gobolka Banaadir

WAR SAXAAFADEED Muqdisho, February 05, 2026: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo...

Wasiirka Gaadiidka Badda XFS oo uga mahadceliyay G/Wasiirrada Ansixinta Heshiisyada Badda

Muqdisho, Febraayo 05, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...